Somaliska infotext

Haddii adiga ama xigtadaadu aad gaadiid ku dhaawacantaan Guddiga dhaawacyada gaadiidka ayaa baari kara magdhawga ay shirkadda ceymisku idinku siisay dhaawacyada qof ahaaneed. Maareynta kiiska ee guddigu waxay ku dhaceysaa luqadda Iswiidhishka. Baaritaanku waa lacag la’aan. Ra’yiga guddiga dhaawacyada gaadiidku wuxuu tala bixin u yahay shirkadda ceymiska.

Magdhawga dhaawaca qofka waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu bixin karo naafanimo la xiriirta caafimaadka, dakhli lumo iyo kharashaad qofka gala. Wuxuu sidoo kale guddiga dhaawacyada gaadiidku baari doonaa arrimaha sida xiriirka waxa u dhexeeya, kiis xiridda iyo dib u eegista.

Ulajeeddada hawsha laga leeyahay waa in qofka dhaawacmay uu helyo magdhaw caddaalad ah, macquulna ah iyadoo laga duulayo xeerarka Iswiidhishka iyo caadada. Taasna waxaa la sameynayaa iyadoon la eegeyn shirkadda maareyneysa ama kharashka bixineysa tan ay tahay.

Guddiga dhaawacyada gaadiidku wuxuu baaritaan ku sameeyaa laba nooc oo kiisas ah; kiisas waajib ah iyo kiisas murun xallin ah. Wax dheeraad ah oo ku saabsan kiisaska waajibka ah, kiisaska murun xallinta iyo sida baaritaanku u dhacayo waxaad ka akhrisan kartaa waraaqda macluumaadka.

Waraaqaha macluumaadka kiisaska waajibka ah

Waraaqaha macluumaadka kiisaska murun xallinta

 

Macluumaadka xiriirka:

Telefoon: 08-522 787 00